Faallo:Muqdishooy ku dayo Kigali “SAWIRRO”

Faallo:Muqdishooy ku dayo Kigali “SAWIRRO”

SHARE

Rwanda waa wadan ka tirsan wadamada bariga Afrika ,aanan laheyn wax bad kuna caan ah buuro aad u cagaaran,waxa ee xad la leedahay dhanka galbeed Democratic Republic of Congo (DRC),Tanzania dhinaca bariga,Uganda dhinaca waqooyi iyo Burundi dhinaca koonfur.tirakoobkii u danbeeyay ee la suubiyay 2012, dadka Rwanda waxaa lagu qiyaasaa in ee yihiin 10.5 milyan deegaan ah,52% waa dumar. Taageero ayaga oo ka helaayo Bankiga Aduunka iyo Heyada lacagta Aduunka(IMF)waxa ee awoodeen in dhaqaalahooda hormariyaan ,qaabdhismeedkooda dowladeedna hagaajiyaan isla markaana ee joogteeyaan heerka koritaanka dhaqaalahooda tobankii sano ee la soo dhaafay.

Rwanda waxaa ka dhacay mid kamid ah xasuuqyada aduunyada ugu weynaa ee ebid ka dhaca inta la xasuusan yahay taariikhda bani’aadamka.
Waxaa lagu qiyaasaa dadka ku dhintay xasuuqaas illa iyo hal milyan qof ku dhawaad ayada oo lagu laayay qoomiyada lagu magacaabo Tutsi- ga oo ee laayeen Hutu-ga .

Waxaa lagu aaneeyaa in ee ka dambeesay in xasuuqa oo ka bilaabday wadankaas kadib markii la dilay Madaxweyne Habiriyamana laakin waxa ee ii sheegeen dad badan oo aan ka wereestay qoomiyada Tutsi-ga ah in arinta intaas ee ka horeesay oo qoomiyadooda waligood lagu suubin jiray in la liido illaa waqtigii xuriyada uu qaatay wadankaas isla markaana loo diidi jiray xaquuqahooda aasaasiga ah oo ee kamid tahay waxbarashada dugsiga sare in uu u gubdo ardayga Tutsiga ah ,taas oo keeni jirtay in dad badan oo Tutsi ah ee magacooda badalaan si ee ugu ekeesiiyaan magacyada Hutu-ga si waxbarashada loogu ogolaado !ayada oo bulshada Hutu-ga ee ka aaminsaneed in dad liito ee yihiin ,ereyo ee kamid yihiin in la dilo Tutsi-ga iyo in la dilo kaneecada iyo cayayaanka kale in ee isku mid yihiin ayaa caruurta Tutsi-ga la bari jiray ,waxa ee muddo dheer kadib ee keentay in Qoomiyada Hutu-ga ee aaminto in Tutsi-ga laga tirabadan yahay eesan wax xaquuq ah laheyn ayadoo keentay in wadanka hal maalin jiho walbo in uu ka bilaabdo xasuuqa waa maalinkii uu dhintay madaxweyne Habariyamaana.

Waxa ee gaareen heer ninka uu dilo xaaskiisa ama xaaskiisa ee ogolaato in seygeeda la dilo ,dariska ee dilaan dariskooda kale oo ee caruurtooda isla dheeli jireen in la laayo ,si aan kala sooc laheyn caruur ,waayeel iyo dumarba ayada oo lagu boorin jiray in qofkii Hutu ah oo qariyo qof Tutsi ah in asigana la dilo.Qoysas badan ayaa baaba’ay qaarna tiro hal qof oo kala ah ayaa ka haray,intii u qixi kartay wadamada dariska la ahna waa ee qaxeen.

Bulsho uu dhex maray dagaal sidaasi ah ayaa heshiisay maanta isna cafisay oo waliba Madaxweyne ka dhigatay qof ka soo jeeda Qowmiyada laga tirade badanyahay ma rumesaneysaa?

Sidee aye ku dhacday in dhibkii dhacay in laga gudbo?

Waxaa Wadanka Rwanda oo dhan lagu suubiyay barnaamijyo lagu kulansiinaayo qofkii dhibka geestay iyo qofkii loo geestay looguna talagalay qof walbo uu dhibkii asiga ku dhacay ama reerkiisa uu ku cafiyo ,waxa eena ii sheegeen dad ka tirsanaa dadkii dhibkii gaaray oo aan la sheekeystay in ee adagtahay inaad hilmaamto dhibka soo gaaray reerkaaga laakin aad cafin kartid qofka dhibka kuu geestay.waxaa aad loo xoojiyay isku xirnaanta ummada iyo hormarinta cadaalada ,yareenta musuqmaasuqa iyo xoojinta kala dambeynta.

Qof kasto oo booqdo Rwanda waxa ugu horeeyo oo indhihiisa qabanaayo waa nadaafada laamiyada iyo wadooyinka magaalo iyo tuulo ayada oo loo aqoonsanyahay nadaafaada in ee tahay mas’uuliyad qof walbo saaran sidaas daraadeed waxaa jiro waqti qof walbo uu ka qaybqaadanaayo nadaafada iyo xaaqida laamiga si bilicdiisa ee u jirto ,hadii aanan qaldaneyn Rwanda caasimadeyda Kigala ma jirto caasimad nadaafad ku gaarto qaarada Afrika iyo wadamo badan oo aasiya ka tirsan ama latin Ameerika.Dadka qaar waxa ee isweydiiyaan meesha ee qashinka ku shubaan ayada oo aad ku arkeysid wadanka oo dhan in uu nadiif yahay magaalo illaa tuulo oo waxaad is leedahay tolow qashinka ma cuneen maadaama aadan arkeyn meel la isugu geeyay ama meel ee ku shubaan.waxyaabaha ka mamnuuca ah in garoomadooda laga geliyo waxaa kamid bacaha balaastikada ah si loo yareeyo qashinka ka imaan karo.

Waxaa laga yaabaa in uu qof ku doodo anaga wadankeena faragalin ayaa lagu haayaa oo dowladaha dariska Ayaan ka nasan la’nahay iyo doodo la halmaal ah ,laakiin waxaan kuu sheegaa in ee iyaga naga daran yihiin oo wadamada dariska la ah sida Burundi iyo kongo ee dhib ku haayaan ,jabhado mucaarad ah oo wadamadaas joogo isla markaana duulaan ku haayo wadanka Rwanda.

Waxaan booqday labo matxaf oo ka tirsan matxafyada lagu keediyo taariikhda xasuuqa, mid waxaa lagu magacaabaa NTARAMA waxaa lagu dilay 5000 oo qof hal maalin oo u badan caruur waxaana meeshaas ee ahaan jirtay kaniisad (hadase loo badalay matxaf oo ee dadku ku soo ordeen si ee ugu badbaadaan markii uu xasuuqa dhacaayay 1994tii laakiin waxaa ku soo weeraray Hutu careysan isla markaana laayay dhammaan dadkii gabbaadka ka dhiganaayay xarunta oo u badnaa caruurta ,illaa maanta waxaa ku yaala daaqadii lagu jebiyay dadkii meesha gabaadka ka dhigtay raadadkii weerarka oo lama dayactirin si loo xasuusto,dharki ee gashnaayeen caruurta iyo kabahooda xitaa qolfooftii

Madaxyadooda iyo baangadihii lagu dilay ,ulo loo isticmaalay dadka in laga galiyo meel kasta oo duleesha ayada oo illaa afka looga soo bixiyay si silic loogu dilo ayaa lagu keediyay xarunta ayada oo markii aan booqanaayay la qorsheynaayay in la sii ballaariyo xarunta.

Matxafka NTARAMA

Xarunta labaad waa mida ugu weyn oo loo yaqaano Kigali Genocide memorial oo loogu talagalay xasuusasho iyo wax ka barasho wixii horay u dhacay si eenan u soo laaban ;waxaa ku aasan xaruntaan 259000(labo boqol konton iyo sagaal kun oo qof ) waana xarunta ugu weyn ee qabuura wadareedyada wadanka Rwanda.matxafka gudihiisa waxaa ku jiro dhacdooyinka oo sawir ah iyo sidii wadanka dhibka uuga baxay iyo muuqaalo fiidiyow ah oo ku sharxaayo sida ee wax u dhaceyn iyo buugaag laga qoray arimaha xasuuqa la xiriiro.

Matxafka Kigali Genocide memorial.rrrrr

Mid ka mid ah asxaabteyda oo lagu magacaabo Maxamud Cabdi horayna u booqday wadanka Rwanda ayaa waxa uu ii sheegay in Soomaaliya ee fiicnaan laheyd in loo suubiyo matxafyadaas oo kale si ee wax ugu bartaan dhibaatada dagaalka soo labto mar walbo.

Maxaan ka baran karnaa hadii aan Soomaali nahay:
Waxa aan u kala qaadeynaa laba qeybood ;Bulshada waxa ee ka baran karto iyo Dowlada waxa ee ka baran karto.

1.in la is cafiyo si dhameestiran oo sax ah ,waxaan ka warqabaa in ee jireen barnaamijyo badan oo hey’adaha samafalka ee ka qabteen wadanka oo loogu tala galay waxa loo yaqaano ‘reconciliation’ ama barnaamijyada dib u heshiisiinta bulshada laakiin waxa aan aaminsanahay in aan la waafajinin sida ee dadkeynu iskuugu calool fiyowaan lahaayeen,doorka saxda ahna waxaa qaadan karo dowlada.intaas waxaa sii dheer in ilaahey naga dhigay dad muslimiin ah oo eey diinteenu na fareyso in aan is cafino.

2. Dowlad wanaaga iyo hogaan daacad ee ka tahay in dalkaan wax loo qabto:si ka duwan wadankeena shaqaalaha u shaqeeyo dowlada Rwanda waxa ee ka taya badanyihiin shaqaalaha ka shaqeeya shirkadaha gaarka loo leeyahay,marka aad u dhaba gashid wadankeyna waxaa kuu soo baxeyso in ganacsiga gaarka ah shaqaalaha u shaqeeyo ee ka firfircoon yihiin dhinac walbo kuwa dowladeyna u shaqeeya ,tusaaale ahaan isla xisaabtamka u bislaashaha shaqo, iyo guulaha laga gaaraayo shaqada la qabanaayo.waxaana loo aaneyn karaa dhowr waxyaabood laakin mid kamid ah haddii aan soo qaato waxaan dhihi karaa ganacsiga gaarka loo leeyahay waxa uu ku hormaray waxa ee siiyaan shaqaalahooda ugu yaraan mushaaraadka ee ku balamaan halka dhinaca dowlada laga yaabo in eek a fuli weyso bixinta xuquuqaadka shaqaaalahooda taasoo keenta qof kasta oo tayo leh in uu shaqo ka raadsado shirkadaha gaarka loo leeyahay ama hey’adaha.

Musuqmaasuqa Rwanda aad ayaa loola dagaalamay mas’uuliyiintana waa dad ee ka go’an tahay in ee la dagaalamaan musuqmaasuqa wadankooda si ee u hormariyaan maadaama oo ilo badan oo dhaqaalo ah aanan laheyn wadankooda.

Rwanda waxa ee guulo la taaban karo ka gaartay hadafyada hormarinta tobankii sano la soo dhaafay waxaana ka jiro koror aad u sareeyo,yareynta faqriga oo xooli ku socda ,iyo laga soo bilaabo 2005,waxa ee yareeyeen sin’naan la’aanta. Inta u dhaxeysa 2001 illaa 2015 waa uu kordhay cabirka GDP loo yaqaano ee lagu cabiro celcelis ahaan dakhliga soo galo wadanka 8% sanidkiiba .Rwanda waxa ee ka soo kabsatay kaalmada banaanka kaga timaada oo yaraatay 2012,dhaqaalahooda waxa uu kordhay 7% sanadkii 2014 iyo 6.9% sanadkii 2015 halka uu ka soo kacay 4.7% sanadkii 2013.

Hormarada ee gaartay tusaale ahaan dhinaca caafimaadka waxaa sanad walbo u dhiman jiray cudurka Malaria ama Duumada 73.5%sanadkii (2000) maanta waxaa ee mareeysaa 15%.

Magaalada Kigaali waxaa uu mar dhow Ururka Qaramada Midoobay u aqoonxasady Magaalada Afrika ugu quruxda badan ugu cagaaran islmarkaana ugu nadiifsan, taasoo sharaf u soo hooyday Ummadda iyo Dukuumadda Dalka Rurandha.

Haddaba waxaa looga baahan yahay Ummadda Soomaaliyeed inay is cafiyaa, islamarkaana ay aayahooda ay ka tashadaan, una soo jeestaan dib u dhiska Dalkooda, Magaalada Muqdishana waxaa looga baahan yahay i nay ku dayato Magaalada kigaali ee Dalka Ruwaandha oo ka soo baxday dhibaatadii qabsatay.ruwanda1ruwanda2ruwanda3ruwanda4ruwanda5ruwanda6ruwanda7