FAALLO: MADAXDA SOOMAALIDA SIDAAD MOODAY MAAHA!

Doorashadii 2012 waxaa si wayn loo hadal haayey in madaxweynihii xilligaa uusan aqbali doonin natiijada haddii laga guulaysto, waxaana lagu xamanaayey in ciidan fara badan xaraystay oo uu dagaalami doono, ayadoo maanka lagu haayey burburkii ka dib inaysan dhicin madaxweyne xil wareeji markii laga guulaysto. Lkn markii doorashadii dhacday oo weliba si aan la filayn uu ku guulaystay madaxweyne Xasan Sheekh , ayuu madaxweynihii xilliga Shariif makaroofanka qabsaday waxa uuna aqbalay natiijada kuna dhawaaqay in laga bilaabo saacaddaas dhamaan ciidamada nuucyadooda kala duwan ay ka amar qaataan madaxweynaha cusub ee xilligaa taas oo lama filaan ku noqotay Soomaalida iyo aduunyada oo dhan madaama ay ahayd markii ugu horaysay ee madaxweyne uu qirto guusha laga gaaray dowladdii reyedka ka dib, waxaana loo aqoonsaday AADEN CADDIHI 2aad, intaas waxaa dheeraa in madaxweyne Xasan aroortii koobaad doorashadiisa kadib lagu weeraray hotelki uu deganaa, isla xilligaa waxaa soo baxay madaxweynihi laga guulaystay Shariif waxa uuna kexeeyey madaxweynihii asagoo dejiyey madaxtooyada ilaa xil wareejinta laga gaarayey.
Sidoo kale Doorashadii 2017 , waxay ahayd mid 100% ka xamaasad badan middii 2012 , madaxweynahu wuxuu ahaa mid ka olola badan midkii hore, musharaxiintu waxay ahaayeen kuwa ka badan kuwii hore kana olola badan. Si la mid ah sidii hore waxaa jiray guux ah in madaxweyne Xasan uu xil jecelyahay ayna adagtahay sida xilkaan looga qaado, taas oo loo sababeeyey galaan gal badan oo uu ku lahaa doorashadii xubnaha Baarlamaanka iyo koox culus oo uu kulahaa barlamaanka gudihiisa. Lkn wax walaba waxay is bedeleen markii la gaaray gabagabadii doorashada oo wareegii 2 aad uu madaxweyne Farmaajo cod aqlabiyad ah keenay lkn aan wareegaas guusha siinayn taas oo loo baahnaa in wareeg 3aad la aado lkn ay cadeed in wareegaas Farmaajo helayo maadaama uu helay codad ka badan 100% codadka looga baahanaa wareega 3aad, markii gudoomiye Jawaari ku dhawaaqay in loo gudbaa wareega 3aad , welibane taageerayaasha madaxweynaha qaarkood la showreen iyada oo aan la ogayn waxay u sheegeen lkn qiyaas ahaan ay ka muuqatay inay rabeen in wareega 3aad uu sii tartamo, ayuu si lama filaan ah madaxweyne Xasan u soo istaagay Makaroofankane uga qaatay mudane Jawaari, murashax hadduu makaroofanka aado waxaa laga fishaa tanaasul xilligaas lkn looma baran in meeshaas lagu tanaasulo, waxaaba ka mudnaa asaga Shariif oo aan tanaasulin wareegi 2aad , si geesinimo leh ayuu madaxeeyne Xasan ugu dhawaaqay in madaxweynaha dalka Mudane Farmaajo uu u hambalyeynaa dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkana ka dalbaday inay taageeraan, wuxuu noqday go’aan geesinimo leh xubnaha baarlamaanka oo daalayne ka farxiyey maadaama ay shaqada bilaabeen 07:00 aroornimo xilligaana la marayey 7:00 fiidnimo ( 12 saacadood oo xariir ah) ayagoo aan quraac, qado iyo casho toona cunin.
Waxaa intaas dheeraa oo ka yaabiyey Soomaalida iyo dunida Sawir ay goobta ku galeen madaxweynayaashii hore iyo madaxweynaha cusub maadamaa uu Madaxweynaha cusub labadooda doorashada uga adkaaday, sawirkaas ayaa loo malaynayaa inuu noqon doono sawiraki ugu saamaynta badnaa 2017 sida durba saxaafadda iyo shucuubta caalamka ay muujiyeen taas oo ah mid aan looga baran madaxda xarabta iyo Afrika intaba.
Qof aan mooday inuu yahay Falsadiini ayaa yiri: “waxaan dalbanaynaa Soomaalnimo” wuxuu soo dhigay sawirka hoose wuxuuna yiri : “waa sawirka madaxweynayaashi hore iyo madaxweynaha cusub oo aan looga baran madaxda carbeed waana sawirka ugu saamaynta badan 2017”
Midka kale oo asagane aan carab inuu yahay qiyaasay ayaa yiri: “Maraykan maaha ee waa Soomaaliya” wuxuu soo qaatay isla sawirka hoose. Taas ayaana ku tusaysa guusha ay muujiyeen madaxdeenna dalka.

Haddaba madaxda Soomaalida Sidaad mooday maaha!

W/Q: Maxamed Cabduwahaab