FAALLO: Abaartii SIMA oo reebtay Cudurro

Malaayiin qof oo ku nool Afrika ayaan helin cunto ku filan, Soomaaliyana waxay ka mid tahay dalalka kuwa ay u saameysay oo ay ku keentay macluusha. Tobanaan Milyan oo qof oo qaaradda Afrika ku nool oo caruur badani ku jirto ayaan haysan cunto ay quutaan, haddaba Soomaaliya markii ay ka da’een Roobabkii xilliga Gu’ga, in kastoo laga soo sheegayo inaysan wali helin Roob deegaanno ka tirsan Gobolada Dalka ayaa markii laga baxay Abaartii baahsaneyd ee loo bixiyay simma ayaa waxaa laga dhaxlay cudurro.

Cudurada laga dhaxlay Abaarta ayaa waxaa ka mid ah Cudurada Shuban-biyoodka iyo Jadeeco, aan ku horreyno Cudurka Shuban-biyoodka, Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 500 oo qof ay u dhinteen cudurrada daacuunka ee ka dhashay abaaraha ka jira Soomaaliya.

Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Cabdullaahi Xaashi ayaa sheegay in uu cudurka daacuunka uu dilaacay kuna fiday Gobollo Soomaaliya ka mid ah, waxaana ka mid ah meelihii ugu dambeeyay Deegaannada hoos yimaada Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud, iyadoo ay in ka badan 15 Ruux ay ugu geeriyooday cudurka Shuban-biyoodka tiro intaasi ka badanna waa uu soo ritay, waxaana la sheegay Deegaannada uu Cudurkaasi ka jiro ayaa kala ah:- Xalaneey, Hulcaduur, Howdleey, iyo Dalxiis, sida ay Dadka Deegaanka u sheegeen Wakaaladda Wararaka Soomaaliyeed ee SONNA.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in 15-ka Ruux ee u dhimatay Cudurkaasi ay lix ka mid ah ku geeriyoodeen gudaha Isbitaalka Degmada Ceeldheer, taasi oo laga garan karo heerka Daawo la’aaneed iyo daryeel xumo ee ka jirta goobahaasi, waxaana Deegaanadaasi ay ku hoos jiraan Kooxda Al-shabaab, waana ku dhib in la gaarsiiyo dawooyin lagula tacaalo cudurkaasi, waxaase la sheegayaa in qaar ka mid ganacsatada ka soo jeedda Deegaankaasi ay haatanba wadaan Olole lagu aruurinayo Faleebooyin, kadibna ay u diraan Cisbitaalka Deegaanka si loogu dabeebo Bukaanada uu cudurkaasi la il-daran.

Maamulka Isbitaalka Degmada Ceeldheer ayaa sheegay in ay Isbitaalka ka jirto dawo la’aan, si loola tacaalo cudurada noocaan oo kala ah, iyagoo xusay in intii ay hayeen la isticmaalay, cudurkuna uu sii fidiyo ayna badan yihiin Dadka uu soo ridanayo.

Cudurada kale ee laga dhaxlay Abaartii ayaa waxaa ka mid ah Cudurka Jaceecada, waxaana jiritaanka Cudurkaasi Hay’adda UNICEF oo sheegtay in uu cudurku ku baahsan yahay Dalka Soomaaliya, waxayna xustay in 30 kun oo caruur ah ay cudurka jadeecadda ka talaashay Magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.

Meelaha laga soo sheegayo in Cururka Jadeecadu ka jira waxaa ka mid ah qaar ka mid ah Deegaannada hoos yimaada Gobolada Hiiraan iyo Bakool, kuwaasi oo bukaanada uu soo ritay lagu dabeebayo Cisbitaalka Magaalada Beled-weyne, waxaana taasi xaqiijiyay Maamulka Isbitaalka Magaalada Beled-weyne, isagoo sheegay in ay soo gaareen Cusbitaalka in ka badan 70 ruux oo qaba cudurka shuban-biyoodka, kuwaasi oo uu sheegay inay ka kala yimaadeen deegaannada Gobolada Hiiraan iyo Bakool.

Haddaba waxaa looga baahan yahay Dowladda Soomaaliyeed in mar walba ay ka foojignaato soo nuq-nuqashada Abaaraha, kadibna ay ku reebto Cudurro, lana sameeyo Istiraajiyad looga hortaaggo inta ay waxaasi dhicin.

W/D:- Jeylaani Juujuule