Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay Mareergur

Wararka naga soo gaaraya degmada  Mareergur oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas ku dagaalameen ciidamo ka wada tirsan maamulka Ahlusuna ee gacanta ku haya qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku dhintay dagaalkii xalay ka dhacay Mareergur,waxaana saakay halkaas ka taagan xiisad u dhaxeeysa ciidankii xalay dirirto dhex martay.

Qof ka mid ah dadka deeganka oo ka gaabsaday  in magaciisa loo adeegsado warbaahinta ayaa Risaala u sheegay in ciidanka ay saakay is hor fadhiyaan ayna suurtagal tahay  in ay markale dagaal ka dhax maro .

Madaxda maamulka Ahlu suno aan la hadalnay ayaa xaqiijyey dhimashada halka qof,waxayna sheegeen in  ay wadaan dadaal lagu xalinayo dagalka halkas ka taagan.