Faah faahin weerarkii Shabaab ay maanta ka geysteen Kenya

Kenya-RisaalaFM- Ugu yaraan 6 Askari oo Booliis ah oo uu ka mid yahay Taliye saldhig ayaa ku dhintay weerar ay Al-shabaab ka geysteen Waqooyiga Galbeed ee dalka Kenya.

Qofka ugu wayn ee looga shakisan yahay weerarka ayaa ka baxsaday saldhig Booliis oo ku yaala Kapenguria.

Waa weerarkii koobaad ee la sheegay in Al-shabaab ay ka gaysteen gobolka galbeedka.

Ninka laga shakisan yahay ayaa magaciisa lagu sheegay Mwalimu Omari, waxaana la xiray labo maalmood ka hor isaga oo looga shakiyay in uu dhallinyaro qorayay oo uu barayay sida hubka loo isticmaalo.

Xilli habeen ah ayay u suurtagashay in uu qori ka xoogo Askari Booliis ah isaga oo qaar ka mid ah laayay una baxay banaanka.

Booliska ayaa waxa ay sheegeen in uu galay meesha sare ee waardiyaha fariisto uuna halkaas xabado badan ka soo riday Askar kalana laayay.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo goobtaasi ayaa waxa ay sheegayaan in la dilay hada qofkii dhibkaasi gaystay.

Weerarka Shabaabku maanta ay geystaan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo ay ku qaadaan waqooyiga galbeed ee Kenya