Boosaaso-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday qoryaha fud fudud oo xalay koox hubeysan ay ku qaaday mid ka mid ah baraha kontoroolada ee laga soo galo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Weerarkan oo socday daqiiqado kooban ayaa waxaa lagu qaaday fariisin Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ay ku sugnaayeen, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay goobta weerarka uu ka dhacay in ay ka qaadeen meydadka Saddex ruux iyo dhaawaca 10 qof oo kale, kuwaasi oo isugu jira dad shacab ah iyo Ciidamo.
Sidoo kale gurmad ku soo jeeday goobta uu weerarka ka dhacay ayaa wadada loo galay, inkastoo markii dambe ay si buuxda ula wareegeen bartakontorool ee ay ku soo jeedeen.
Ururka Al-shabaab iyo Kooxda Daacish ayaa horey u sheegtay weeraro midkan la mid ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Maamulka Puntland gaar ahaan saraakiisha ammaanka weli si faah faahsan ugama aysan hadlin weerarkii xalay ka dhacay magaalada Boosaaso, balse waxaa socda baaritaanada la xiriira falkan.