Faah faahin: Qarax lala eegtay Ciidanka AMISOM

Balcad-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Miino oo Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM gelinkii dambe ee maanta lagula eegtay inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe..

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxa uu qabsaday mid ka mid ah kolonyada Ciidanka AMISOM, xilli uu marayay degaanka Il-baq oo u dhaxeeya Balcad iyo Jowhar, kuna dhaw deegaanka Haan-sheekh oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamo ka wada tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM.

Qaraxa kadib Ciidamada Midowga Afirka ee AMISOM ayaa la sheegay inay fureen rasaas, taasi oo ay kaga jawaabayeen qaraxa Miinada ah ee lala eegtay, inkastoo rasaastaasi aysan jirin cid wax ku noqotay.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan, waxaana warar horudhac ah oo soo baxaya ay sheegayaan in Qaraxan uu khasaare ka soo gaaray Ciidanka AMISOM.

Inta badan ciidamada Al-Shabaab ayaa qaraxyada noocaan oo kale ah u dhiga kolonyada gaadiidka AMISOM ee wadadaasi ku safra, weli maamulka Hirshabeelle lama uusan imaan talaabo cad oo uu wax kaga qabanayo dhibaatada ka taagan wadadan.