Faah faahin:- Qarax ka dhacay Beledweyne

Beledweyne-RisaalaFM- Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo fariisin ku leh banaanka magaalada Beledweyne ayaa waxaa lagu weeraray Bambo gacmeed, sida uu sheegayo wariyaha Risaala ee magaaladaasi.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacantay laba Askari oo ka mid ah Ciidamada ku sugnaa fariisinka, Qaraxa kadib Ciidamada waxa ay afarta jiha u rideen rasaas oo laga maqlay magaalada.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur ayaa Risaala u sheegay in Ciidamada ay ku daba jiraan raggii weerarkan ka dambeeyay, gacantana lagu soo dhigi doono.

Wuxuu kaloo sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan in ururka Al-shabaab aysan dagaal toos ah kala hortagi karin Ciidamada Dowladda Federaalka, balse keliya ay geystaan weeraro gaadmo ah.

Al-shabaab oo weerarkan masuuliyadiisa sheegtay waxa ay sheegeen in ay khasaare dhaawac ah gaarsiiyeen qaar ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan fariisinka.