Faah faahin Madaafiic ku soo dhacay Nawaaxiga Madaxtooyada

Muqdisho-RisaalaFM- Duhurnimadii maanta saacadu marka ay aheyd 12:30-PM ayaa la maqlay Madaafiic, kuwaasi oo ku soo dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda Somaliya ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhanka xigta Xaafaddaha 15-May ee dhabarka dambe ee Madaxtooyadda.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan Madaafiicdan oo ilaa iyo hada si rasmi ah aanan loo ogeyn halka laga soo tuuray, ayaa waxaa xaafadaha ku yaalla dhabarka dambe ee Madaxtooyada Soomaaliya ku soo dhacay ilaa Saddex Madfac.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay Madaafiicdan ku soo dhacay inta u dhaxeysa xaafadaha 15-ka May iyo Caga-dhiig ee Degmada Warta-nabadda.

Saraakiisha ammaanka Dowladda Federaalka ee ayaa tagay meeshii ay wax ka dhaceen, oo aan la hadalnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in ay wadaan baaritaanka ku aadan Hoobiyeyaasha soo dhacay iyo hadii ay jiraan Khasaare ka dhashay.

Dhowr jeer oo hada kahor ayaa Madaafiic waxaa lagu soo weeraray Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ay ku dhaceen xaafadaha ka akdhow, kuwaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.