Beledweyne-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa dagaal maanta ka dhacay Galbeedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Labada dhinac ee dagaalamay, waxaana dagaalka uu udhaxeeyay Beelo wada dega Galbeedka Beledweyne.
Inta la xaqiijiyay 3 ruux ayaa ku dhimatay dagaalka halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa waxaa la geeyay isbitaalka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dagaalka uu socday waqti kooban oo cabsi iyo barakac uu ku abuuray.
Maamulka degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaanan wali ka hadlin dagaalka maanta dhacay.