Home Wararka Faah faahin laga helayo dagaal maanta ka dhacay duleedka Afgooye

Faah faahin laga helayo dagaal maanta ka dhacay duleedka Afgooye

SHARE

Afgooye-RisaalaFM- Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa maanta waxa ay dagaal la galeen ururka Al-shabaab.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo ka ruqaansaday degmada Afgooye ay wajaheen deegaano ku yaalal duleedka Afgooye oo Shabaabka ay ku sugan yihiin.

Al-Shabaab ayaa la sheegay  inay dalbadeen gurmad badan oo ciidan ah oo ku aadan sidii ay isaga difaaci lahaayeen ciidamada Huwanta ee weerarka lama filaanka ah ku soo qaaday.

Dagaalkan ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamay soo kala gaaray, inkastoo ilaa iyo hada aan la xaqiijin karin tirada saxda ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ilaa iyo ma jirto cid ka hadashay Labada dhinac dagaalka maanta ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.