Sh/Hoose-RisaalaFM- Masuuliyiinta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho waxa ay u sheegeen Gaari marayay meel u dhow degaanka Bariire in duhurnimadii maanta Duqeyn lala beegsaday.
Duqeyntan ayaa la sheegay in gantaal lagu dhuftay gaariga oo aan la sheegin noociisa kaas oo masuuliyiinta Gobolka ay sheegeen inuu saarnaa nin ka tirsanaa Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Risaala u sheegay in Gaarigaan uu waday waxyaabaha qarxa islamarkaana uu ku soo jeeday Muqdisho balse markii dambe laga war helay, sidaasina lagu duqeeyay.
Lama oga duqeyntan cidda ka dambeysay, hase yeeshee dowladda Maraykanka ayaa hore u sheegtay inay kordhinayso duqeynta ay ka geysanayo dalka Soomaaliya.
Duqeyntan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ay diyaaradaha aan la wadin ay ka geystaan dalka Soomaaliya sanadkan cusub ee 2018.