Afgooye-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Laba dil ayaa siyaabo kala duwan gelinkii dambe ee maanta waxa ay uga dhaceen degmada Afgooye oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha.
Dilka hore ayaa waxa uu dhacay Salaadii Jimcaha kadib, waxaana loo geystay nin Nabadoon ahaa oo lagu magacaabi jiray Cali Cumar (Tawakal), kaasi oo si weyn looga yaqaanay degaanka.
Dableydii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, kahor inta aysan halkaasi soo gaarin Ciidamada ammaanka, Nabadoonka la dilay ayaa ahaa Aabaha dhalay Wariye C/fataax Cali Cumar (Tawakal) oo ka tirsan shaqaalaha Radio Dayax, sida ay inoo sheegeen Maamulka Raadiyaha.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in Marxuum Cali (Tawakal) uu horey uga tirsanaan jiray Dowladihii hore ee dalka soo maray, inkastoo aysan jirin ilo sax ah oo xaqiijinaya warkaasi.
Dhanka kale gelinkii dambe ee maanta waxaa Suuqa Hiliwaaley oo ka tirsan degmada Afgooye lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka, kaasi oo ay dilkiisa ka dambeeyeen rag hubeysan.
Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa warbaahinta Risaala u sheegay Dabley hubeysan in ay rasaas hubiyeen Askariga, kadibna waxa ay ka baxsadeen goobta, maadaama dantii ay lahaayeen gaareen.
Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta ilaa caawa Howlgallo ka wada Suuqa Hiliwaaley oo dilalka ay ka dhaceen, waxaana ay ku raad joogaan raggii dilalka geystay.