Sanaag-RisaalaFM- Deegaano ka tirsan gobolka Sanaag waxaa maanta ka dhacay dagaal xoogan kaas oo udhaxeeyay ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Soomaaliland.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu udhaxeeyay ciidamada Puntland iyo Soomaaliland, waxaana dagaalka uu ahaa mid xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen Hubka nuucyadiisa kala duwan.
Dagaalkan maanta dhexmaray labadan maamul ayaa yimid kadib markii maalmahan uu udhaxeeyay isqab qabsi la xiriira gobolada Sool iyo Sanaag oo dhinac kasta uu sheeganayo in uu ka tirsan yahay maamulkiisa.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in labada dhinac ay soo gaareen gurmadyo ciidan oo ka kala yimid maamulada Puntland iyo Soomaaliland, iyadoo saacadihii udambeeyay la sheegay in dagaalka uu sii xoogeystay.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in dagaalkan uu geystay khasaare soo kala gaaray Labadii dhinac ee halkaasi ku dagaalamay maadaama dagaalka uu socday saacado badan.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland.