Xidiga khadka dhexe kaga cayaaro Liverpool Emre Can mudo dheer ayuu Juventus bar tilmaameed u ahaa waxaana la sheegay inuu bisha Janaayo ku biiri doono.
Emre Can ayaa si toos ah maamulka Liverpool kaga diiday heshiis kordhin ay usoo bandhigeen madaama qandaraaskisia June 2018 ku eg yahay.
Haatan Calcio Mercato waxay sheegtay Emre Can inuu bisha Janaayo Juventus soo aadi doono balse shuruud ayaa hortaalo kooxda reer Talyaani.
Shuruuda waxay ka timid dhanka Liverpool oo Juve u sheegtay in Can laga iibin doono bisha Janaayo hadii isla waqtigaas Reds ay naadiga RB Leipzig kasoo qaadato Naby Kieta oo Liverpool u gadan.
Hadii kooxda Leipzig diido inay Keita soo fasaxdo Liverpool iyadana bisha Janaayo Emre Can ma fasixi doonto oo xagaaga dambe ayay si bilaash ah xidigaan ugu ogolaan doonaa inuu Juventus ugu biiro.