Ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ayaa wajahaya labo weerar oo kuwa ka soo horjeeda ay uga qabsanayaan magaalooyinka Raqqa ee Suuriya iyo Fallujah oo Ciraaq ah.
Magaaladda Raqqa waxaa weerar ku ah jabhada isbahaysi ay horkacayaan Kurdiyiinta Suuriya, kaasoo ka kooban ilaa 30,000 oo dagaalyahan.
Jabhadahani Kurdiyiinta horkacayaan ayaa sheegaya inay diyaariyeen dagaalyahanno ururka dowladda Islaamka ka saara Raqqa iyo deegaannada ku xeeran.
Dhanka kale, ciidanka dowladda Ciraaq ayaa duulaan ku ah magaalada Fallujah ee uu ku xooggan yahay ururka dowladda Islaamka.
Ruushka iyo Maraykanka ayaa ballanqaaday inay taageerayaan qabiiladda iyo maleeshiyaadka ka soo horjeeda ururkan ee magaalooyinka Fallujah iyo Raqqa.