Duufaan xooggan oo loogu magac daray Debbie ayaa ku dhufatay dhulka berriga ah ee waqooyiga dalka Australia, ayadoo wadata roob iyo dabayl saacaddii ku socota ilaa 270 KM.
Maamulayaasha gobolka Queensland ayaa sheegay in ubucda duufaanta ay haleeshay meel u dhaxaysa magaalooyinka Bowen iyo Airlie Beach, ka dib markii ay soo garaacday jasiirado xeebta u dhow.
Wariyeyaal jooga Bowen waxay sheegeen in jajab badan oo dabayshu waddo uu duulayo waddooyinka laga kala cararay , xarkihii korantadana ay go’een.
Duufaanta ayaa lagu wadaa inay sii socoto 24 saacadood.