Home Wararka Duqa Muqdisho oo shir caalami uga qeyb galaya magaalada Roma

Duqa Muqdisho oo shir caalami uga qeyb galaya magaalada Roma

SHARE

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa gaaray magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, halkaas oo uu maalinta berri uga qeyb galayo shirka Caalamiga ee magaalooyinka Afrika.

Guddoomiye Taabid ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Rome ku soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana hadal kooban uu saxaafada ku siiyay garoonka uu Guddoomiyaha sheegay inuu ka qeyb galayo shirka ku saabsan magaalooyinka Afrika oo ah mid muhiim ah.

Shirkan ayaa looga hadlayaa magaaleynta iyo koritaanka qaarada Afrika, iyadoo ay ka qeyb galayaan Duqa magaalooyin, Maamulo, Wasiiro ka socda Africa iyo talyaaniga, Cilmi baarayaal, hey’ado iyo ururo caalami ah.

Ka qeyb galka shirka ka dhacaya magaalada Roma ayaa ka dhigan in magaalada Muqdisho ay dib ula soo noqotay matalaadeeda Caalamka, isla markaana ay soo muuqato fagaarayaasha iyo shirarka caalamiga.