Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay qaadayso tilaabo ay ku doonayso in ay jawaab uga bixiso dilkii Al-Shabaab ay ku fuliyeen askari ka tirsananaa ciidanka dowladda Uganda ee ka howlgalla Soomaaliya .
Afhayeenka ciidamada Uganda Paddy Ankunda oo wareysi siiyay wareyska Daily Monitor ayaa sheegay in ay doonayaan in qaadaan tilaabo ay Al-Shabaab uga aargoosanayaan .
Paddy Ankunda ayaa ugu hanjabay Al-Shabaab in ay arki doonaan cududa iyo sidoo kale Awooda ay leeyihiin ciidanka dowladda Uganda.
Waxaa uu xusay in ay qorsheeyeen weeraro ay ku qaadi doonaan Al-Shabaab.
Dhanka kale Afhayeenka ciidanka dowladda Uganda ayaa Faahfaahiyay Askarigii ay toogteen Al-Shabaab.
Waxaa uu tilmaamay in Askarigaasi uu ka tirsanaa ciidanka difaaca dowladda Uganda laguna magacaabi jiray Masassa, islamarkaana uu ku lumay dagaalkii Al-Shabaab iyo ciidanka AMISOM ku dhexmaray degaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dhawaan ayay aheyd markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay toogteen Askari u dhashay dowladda Uganda oo ay gacanta ku haayeen muddo ka badan hal sano.