Wasiirka arrimha dibadda Suuriya Walid Moallem ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka qayb galayso shirka nabadda ee Geneva ka dhacaya, wafuudda dowladda mataleysana ay halkaasi u ambabixi doonaan maalinta axadda ah.
Hase yeeshee waxa uu intaasi ku daray in wafuuddaasi ay dalka ku soo laaban doonaan hadduu kooxaha mucaaradka ay muddo 24 saac gudahood ah shirkaasi uga soo qayb gali waayaan.
Walid Moallem oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dimishiq ayaa sheegay in aysan ogolaanayn wadahadalo ku saabsan madaxtinimada dalkaasi, kulankaasi nabadduna uu guul darro ku soo dhammaan doono haddii qolyaha mucaaradka ay doonayaan in xukunka ay qabsadaan.
Basle afhayeen u ahdlay mucaaradka ayaa sheegay in wasiirku uu durbaba hakinayo wadahadalada nabadda ka hor xitaa inta aysan billaaban.
Mar sii horreysay ayaa xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa ku baaqay in wadahadaladu ay sii socdaan maadaama buu yiri colaaddii ay yaraatay tan iyo markii uu dhaqan galay heshiiskii xabbad joojinta muddo haatan laga joogo laba usbuuc.