Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in ay ka welwel santahay Qaraxyada ka dhaca dalalka Soomaaliya iyo sidoo kale Afghanistan.
War laga soo saaray Wasaarada arimaha dibada Dalka Sucuudiga ayaa lagu sheegay in dowladda Sucuudiga ay aad uga xuntahay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho iyo sidoo kale Magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.
Dowladda Sucuudiga ayaa sheegay in ay dhibaatada la qeysanayso dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxyadii lagu qaaday Maqaayadda Banaadir Beach iyo Jaamacadda American University ee magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.
Dowladda Sucuudiga ayaa alle uga barisay dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadaasi in uu caafimaad taam ah Siiyo.
Waxa ay ku baaqday in loo midoobo la dagaalanta waxa ay ugu yeertay Argagixisada.