Dowladda oo xayiraadii dhanka safarada ka qaaday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur

Dowladda Soomaaliya ayaa xayiraadii dhanka Safarka ka qaaday Siyaasiga  C/raxmaan C/shakuur Warsame ,kasoo horay loogu amray in uusan ka bixi karin Magaalada Muqdisho.

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa 17-kii bishii December ciidamo ka tirsan Nabadsugida ay weerareen gurigiisa, waxaana halkaasi lagu dilay Ilaaladiisii, taasoo muran badan ka dhex dhalisay dowladda Soomaaliya.

Siyaasiga ayaa hadda ku sugan Magaalada Nairobi caasimadda dalka Kenya, waxaana uu ka Ambabaxay Muqdisho shalay.

Xeer Ilaalinta ay ku soo oogtay dambi qiyaano qaran iyo inqilaab, waxaana lagu xiray Xabsi ku yaalla Magaalada Muqdisho muddo saacaddo ah.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa horay u sii deysay, kaddib markii dambi ku weysay, kaddib markii Xeer ilaalinta ay keeni weyday caddeymo ku aadan dambiyadii ay ku soo oogtay, waxaana markii dambe Xeer Ilaalinta ka qaadatay racfaan.

Ilo ku dhow C/raxmaan C/shakuur ayaa  inoo xaqiijiyay in xayiraada dhanka safarka ay ka qaaday Maxkamadda, isla markaana dowladda Soomaaliya ay ka noqotay dacwadii ay horay ugu soo oogtay.

C/raxmaan C/shakuur oo horay u soo noqday Wasiir iyo Musharax Madaxweyne ayaa ah nin cod kar ah, si aad ah u dhaliila dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu bartiisa Facebook iyo Twitter-ka u adeegsadaa gudbinta afkaartiisa siyaasadeed, waxaa tiro dhowr jeer ay hey’adaha ammaanka ka hakiyeen kulamo siyaasadeed uu qaban lahaa

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr Sabriye iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegay in kaalin ka qaatay sidii loo soo Afjari lahaa xiisadii ka dhalatay Weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.