Dowladda oo sheegtay in Al-shabaab ay kala wareegeen saldhig ay ku lahaayeen Hiiraan

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta waxa ay la wareegeen saldhig ay ururka Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceel hele, oo qiyaastii 50 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Beled-weyne ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha dowladda ee hogaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay in hada deegaankaasi ay ku sugan yihiin.

Waxaana sidoo kale saraakiisha ay sheegeen in ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen shacabka halkaasi ku dhaqan, iyagoo intaa raaciyay in ciidamada wali ay halkaasi ka wadaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dhawaanahanba howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab waxa ay ka wadeen deegaanada iyo degmooyinka hoostaga gobolka Hiiraan.