Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay 3 Milyan oo dollar ay ku taageerayso dadka ay Saameeyeen Abaaraha.
Shir jaraa’id oo ay maanta magaalada Cadaado ku qabteen wasiir Odawaa iyo madaxwayne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay kaga hadleen abaaraha ka jira degaanada Galmudug .
Madaxweynaha ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay waddo dadaalo lagu doonaayo in lagu caawiyo dadka dhibaateysan ee ay halakeeyeen abaaraha.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in dawladu ay 3-milyan oo Dollar ku taageerayso
hawlaha gurmadka abaaraha ee dalka ka socdo.