Dowladda Kenya oo caalamka ka codsatay in laga caawiyo dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed

Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Kenya Aamina Maxamed, ayaa sheegtay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in loo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool xeryaha qaxootiga Dhadhabaab iyo Kaakuma ee dalka Kenya.

 

Aamina Maxamed, ayaa sheegtay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay xaqiijin doonto ammaanka qaxootiga ku laabanaya dalkooda.

 

Wasiirada arimaha dibada ee dowladda Kenya Aamina Maxamed ayaa beesha caalamka ugu baaqday in ay ka qeyb qaato dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee  ku sugan dalka Kenya.

Waxay intaas ku dartay in go’aanka Kenya uu cad yahay ayna ka go’antahay in dib loo soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool Kenya, sidaas darteedna loo baahanyahay in aysan beesha caalamku indhaha ka fureysay taageerada ay siinayaan dowladda Kenya ee loogu talagay in dib loogu soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed.

Dowladda Kenya ayaa sheegay in aysan ku laaban doonin go’aanka ay ku dooneyso in ay dib ugu soo celiso qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Dhadhaab iyo Kaakuma.