Kurdiyiinta ku sugan woqooyiga dalka Ciraaq ayaa sheegaya in dowladda Ciqaar ay u qabatay tan iyo xalay saqdhaxe in ay ku soo wareejiyaan xarumaha milatari iyo wershadaha saliidda ee ku yaala magaalada lagu muransan yahay ee Kirkuk.
Arrintan ayaa timid kaddib markii dagaal kooban uu ka dhacay meel dhow magaaladaasi. Dagaalkaasi ayaa waxa uu u dhaxeeyay maleeshiyaad Shiico ah oo ganacsaar la leh dowladda iyo xoogagga kurdiyiinta ee Peshmerga.
Dagaalkaasi ayaa hadda soo afjarmay balse weriyaha BBC-da ayaa sheegaya in xiisad ay ka taagan tahay gobolkaasi kaddib markii Kurdiyiintu ay bishii hore u codeeyeen in ay dalka Ciraaq ka go’aan.
Xukuumadda Baqdaad ayaa cambaareysay aftidaasi madax bannaanida waxaana ay ku tilmaantay mid sharcidarro ah.
Taliye ka tirsan Kurdiyiinta ayaa BBC-da u sheegay in aysan dooneyn in ay dagaal la galaan ciidamada Ciraaq balse ay is difaaci doonaan haddii la soo weeraro.
Ka hor aftidaasi, ciidamada Ciraaq iyo xoogagga Kurdiyiinta ayaa waxa ay dagaal kula jireen kooxda la abaxday Dowladda Islaamka.