Dowladda Canada ayaa sheegtay in ay ciidamo iyo diyaarado ah nooca gaadiidka loo adeegsado ay u dirayso dalka Mali si ay qayb uga noqdan ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay.
Dowladda ma aysan shaacin taariikhda ay ciidamadan oo ay dumar ka mid yihiin ay u dirayso dalkaasi.
18 bilood ka hor yay ahayd markii rai’sul wasaaraha Canada Justin Trudeau uu balanqaaday in Canada ay kordhin doonto tageerada howlaha nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay.
Balse dowladda Mr Trudeau ayaa lagu dhaliilay in ay ka gaabiso fulinta balanqaadyada.
Ciidamadan ay dowladda Canada sheegtay in ay u dirayso Mali ayaa noqonay kuwii ugu horeeyay oo qaarada Afrika ay Canada u dirto tan iyo sanadii 1994.
Canada ayaa waxa sanaddii 1994 markii uu dhacayay xasuuqii Ruwanda waxaa halkasi ka joogay tira yar oo ah ciidamo ka socday.