Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Gaadiidka Booliska maanta waxaa ka dhaceysa Doorashada xubnaha xildhibaanada Golasha shacabka iyo mida Aqalka Sare ee ka imaanaya Degaanada Soomaaliland.
2 xubnood oo Golaha shacabka ah iyo 2 xubnood oo Aqalka Sare ah ayaa maanta lagu dooranayaa xarunta Gaadiidka Booliska, sida ay xaqiijiyeen xubno ka mid ah Guddiga Doorashada Heer Federaal.
Waxaa lagu wadaa in maanta la soo gaba gabeeyo Doorashada xubnaha ka imaanaya Degaanada Gobolada Waqooyi, maadaama ay harsan yihiin oo keliya, 4-ta xubnood ee maanta la dooranayo.
Ergada ka qeyb galeysa Doorashadan oo labo qeyb la fariisiyay ayaa lagu diyaariyay Hoolka Doorashada, iyadoo goor dhow la filayo in ay bilaabato Doorashada.
266 xildhibaan oo Golaha shacabka ah ayaa ilaa iyo hada la soo doortay, waxaana weli harsan xubno yar oo ka mid noqonaya Golaha shacabka.
Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa horey u sheegay muhiim in ay tahay in la dadejiyo xubnaha ay Doorashadooda harsan tahay.