Doorashada Guddoomiye ku xigeenada oo bilaabatay

Doorashada Guddoomiye ku xigeenada oo bilaabatay

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa goor dhow xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, ka bilaabatay Doorashada Guddoomiye Ku xigeenada Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhamaantood ku sugan xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ah goobta Doorashada ay ka socoto.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka dalka, ayaa kala ah Jeylaani Nuur Iikar, C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, Faarax Sheekh C/qaadir, Khaalid Macow C/qaadir, Saciid Xuseen Ciid iyo Khadiija Maxamed Diiriye.

Sidoo kale Doorashada Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka dalka, waxaana Musharaxiinta u tartamaya ay kala yihiin:-

1.C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi.

2.Mahad Cabdalla Cawad.

3.Burhaan Aadan Cumar.

4.C/laahi Xuseen Cali (Cabdalla)

5.Dr. Xuseen Cabdi Cilmi.

6.C/wali Maxamed Qanyare.

7.C/laahi Goodax Barre.

8.Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

9.C/wali Ibraahim Aadan(Ibbi).

10.Maryan Axmed Haaruun.