AMISOM oo sheegtay in ay ka hortagayaan weerarada Shabaab

Gudoomiyaha Gudiga Midowga Africa Haweeneyda lagu magacaabo Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma oo ka hadashay weerarkii Todobaadkan gudihiisa lagu qaaay Afaafka hore xerada Xalane oo ay xarun ku leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa waxa ay sheegtay in aan wax dib u dhac ah ku keeni doonin go’aanka AMISOM weerarada qorsheysan ee Al-shabaab ku qaadayaan fariisimaha ciidamada caawinaya Soomaaliya.

Ms Zuma, ayaa amaantay doorka ciidamada Uganda ee qeybta ka howlgalka AMISOM ay ka ciyaarayaan nabad ku soo dabaalida Soomaaliya iyo sida noloshooda u hurayaan.

Drs. Nkosazana Dlamini-Zuma Gudoomiyaha Gudiga Midowga Africa ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in ciidanka AMISOM ay diyaar uyihiin ka hortagida weerarada Shabaab ay ka geysanayaan Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gudiga Midowga Africa Dlamini-Zuma ayaa sidoo kale waxa ay si adag u cambaareysay weerarkii sida qorsheysan Al-shabaab ugu qaadeen xerada Xalane oo Ciidamo AMISOM ah ay waxyeelo ka soo gartay gaar ahaan kuwa Uganda.

Ugu danbeyntii,Midowga Africa ayaa balan qaaday inuu sii wadi doono taageerida shacabka iyo xukuumada Soomaaliya inta laga helayo nabad la isku heleyn karo oo ka dhalata Soomaaliya.