Ruushka ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Sukhoi Su-24 ay burburtay,iyadoo isku diyaarinaysa inay ka baxdo saldhig milatari oo ku yaala waqooyiga galbeedka ee gobolka Latakia ee dalka Suuriya, waxaana ku dhintay shaqaallo saarnaa.
Afhayeen u hadlay Ruushku ma sheegin tirada dhimashada, laakiin Su-24 ayaa badanaaba waxaa ka shaqeeyo shaqaale labo ah.
Shaqaalaha ma aysan haysan fursad ay ku badbaadiyaan naftooda,waxaana uu sheegay in shilkaan uu sababay cillad farsamo oo ku timid diyaaradda sida lagu sheegay warbixin.
Diyaaradaha Ruushka ayaa inta badan waxa ay weeraro duqeymo ah ku qaadayeen Kooxda Daacish iyo kooxaha kale ee argagaxisada ee ku sugan gudaha Suuriya,Ka dib markii uu codsi uga yimid dowladda Suuriya bishii September sanadkii 2015-kii.
Ruushka ayaa labo diyaaradood oo magacyadoodu kala yihiin Su-33 iyo Mig-29 waxa ay sanadkii 2016-kii kaga burbureen gudaha Suuriya.