Booliiska dalka Bangladhesh ayaa sheegay in baadari lagu dilay koonfurta galbeed ee dalkaasi.
Ananda Gopal Ganguly, oo ah wadaad da’ ah oo diinta Hindu haysta ayaa gurigiisa ka baxay subixii si uu ugu soo cibaadaysto macbad.
Wararka hordhaca ah waxay muujinayaan in ay weerareen saddex ruux oo mootooyin wata.
Mar dambe ayaa maydkiisana laga helay beer bariis ka baxdo.
Qaabka uu weerarku u dhacay waxay u muuqataa in ay ku lug leeyihiin dadka jihaad doonka ah kuwaas oo lagu eedeeyay weeraro badan oo dhacay bilihii u dambeeyay.
Axaddii qof kiristaan ah oo dukaan ilaalinayay ayaa la dilay. Dhacdo taas ka duwana xaaska sarkaal booliis ah ayaa toogasho lagu dilay.
Dawladdu waxay dareemaysaa cadaadis dheeraad ah si ay wax uga qabato qulqulatooyinkaas.
Ururka isku magacaaba Dawladda Islaamka ayaa sheegay in ay qaadeen dilalkii u dambeeyay iyo kuwo horeba.
Dawladdu way diiday in kooxda isku magacawda Dawladda Islaamku ay ku firfircoon tahay gudaha dalkeeda.
Wasiir ka tirsan dawladda ayaa sheegay in dhacdooyinkan ay ka dambeeyaan siyaasiyiin mucaaradka ka tirsan oo kuwaas oo uu ku sheegay in ay la kaashanayaan Israa’iil.
Israa’iil ayaa dhacdadaas diiday iyadoo ku tilmaantay mid aan macno lahayn.
Talaadadii booliiska ayaa labo dhacdo oo kala duwan ku dilay saddex ruux oo looga shakisanyahay malayshiyaadka jihaad doonka ah
Booliiska ayaa hawlgal ay caasimadda Dhaka ka sameeyeen ku dilay labo nin. Ninka saddexaadna waxaa lagu dilay waqooyiga bari ee dalkaasi.
Booliisku waxay sheegeen in dhamaantood ay ka mid ahaayeen malayshiyaad hubaysan oo la mamnuucay.