Home Wararka Wiil Dhalinyaro ah oo caawa lagu dhaawacay Muqdisho

Wiil Dhalinyaro ah oo caawa lagu dhaawacay Muqdisho

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in fiidnimadii caawa halkaasi lagu dhaawacay Wiil Dhalinyaro ah oo si weyn looga garanayo aaggaasi.

Falkan ayaa waxaa geystay Dhalinyaro Bastoolado ku hubeysnaa, waxayna rasaas kaga fureen qeybta sare ee jirkiisa, kadib goobta ayay ka baxsadeen.

Dadka degaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay Dableyda in wiilka ay dhimasho uga tageen, balse uu dhaawacmay, kadibna loola cararay Isbitaalka.

Wiilka la dhaawacay ayaa waxaa lagu magacaabaa Axmed Nuur Ciise (Halooyeelo), kaasi oo Studio ku lahaa meel ku dhaw Isbitaalka Somali-Chermany, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in uu la socon jiray Ciidanka NISA.

Maamulka degmada Boondheere iyo Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaano amni xaqijin ah, iyaga oo ku daba jira raggii falkan geystay.