Diego Costa Oo Heshiis Cusub Oo Waqti Dheer Ah U Ogolaaday Kooxdiisa Chelsea

Weeraryahanka Chelsea Diego Costa ayaa la filayaa inuu heshiis cusub oo uu kusii joogayo kooxdiisa saxiixo.

ciyaaryahanka weerarka Chelsea Costa oo hogaaminaya waqtigaan gooldhalinta ayaa aqbalay qorshe uu qandaraaska ugu kordhinayo kooxdiisa.

mustaqbalkiisa ayaa laga yaabaa inuu kusoo gabagabeeyo kooxda ka dhisan magaalada London.

Costa ayaa dhaliyay 13 gool xilli ciyaareedkan, waxaana uu ka sareeya hal gool weeraryahanka kooxda Arsenal Alexis Sanchez.

Costa ayaa qaab ciyaareeed wanaagsan kujira, waxaana ay kooxdiisa badisay 11 kulan oo xiriir ah Premier League.

Waxaa la fahamsan yahay in Chelsea ay ka saxiixi doonto Costa laba sano oo dheeraad ah taasoo la micno ah inuu Stamford Bridge sii joogo ilaa 2021.