Kalluun badan oo meyd ah ayaa kusoo caariyay xeebaha bartamaha Vietnam.
Boqolaal qof ayaa dibed bax ka sameeyay dalka Vietnam, ka dib markii kalluun tiro badan uu ku dhintay xeebaha bartamaha dalkaasi.
Dibed baxayaasha ayaa dhimashada kalluunka ku eedeeyay wasakh ay sheegeen in warshad birta sameysa ay ku shubtay badda.
Warshadda oo laga leeyahay Taiwan ayaa waxaa dembi ku waayay dowladda Vietnam.
Dibed baxayaasha ayaa sidoo kale ka careysan qaabka gaabiska ah ee ay dowladooda ugu jawaabtay arrintan.
Ma cadda waxa sababay in kalluunka sidaa u badan uu dhinto.