Dhul gariir ku dhiftay bartamaha Talyaaniga

Dhul gariir xoog leh ayaa ku dhiftay bartamaha Talyaaniga, meel aan ka fogayn gobolkii uu bishii Agoosto dhul gariir ku dilay ku dhawaad 300 oo qof. 6.6 qiyaasta Richter ee lagu cabbiro dhul gariirka ayaa lagu qiyaasay, mana jiraan warar ku saabsan waxyeello uu dad u gaystay, marka laga reebo dhismeyaal uu burburiyey.

Hay’adda Maraykanka u qaabilsan sahanka dhulka ayaa sheegtay in xuddunta dhul gariirka ay ahayd meel 68 KM koofur-bari kaga beegan gobolka bartamaha ku yaalla ee Perugia, una dhow magaalada yar ee la yiraahdo Norcia.

Baadariyaal jooga kaniisad ku taalla Norcia ayaa Twitter soo dhigay sawirro laga soo qaaday kaniisadda St Benedict oo dhul gariirku uu baabi’iyey.

Dad naxsan oo halkaa deggan ayaa isugu soo baxay barxadaha iyo jidadka markii uu dhul gariirku dhacay ka dib (09:40 Afrikada bari), sida ay wakaaladda wararka ee AP ku soo warrantay.

Duqa magaalada Ussita, Marco Rinaldi, ayaa isna la hadlay wakaaladda wararka Talyaaniga ee ANSA. “Wax walba way burbureen. Waxaa ii muuqda qiiq cirka ku shareeran, waa masiibo”.

Hay’adda Talyaaniga u qaabilsan badbaadinta ayaa sheegtay in la eegayo baaxadda dhibaatadu ay leedahay. Magaalooyinka u dhow, sida Castelsantangelo, Preci iyo Visso ayey dadku isaga bexeen, ka dib dhul gariirro todobaadkii hore dhacay oo lagu qiyaasay 5.5 iyo 6.1.

Dhul gariirka dartii ayaa waxaa la joojiyey shaqadii tareennada dhulka hoos mara ee magaalada Roma. Magaalada caasimadda ah ayaa ka mid ah meelaha dhul gariirka laga dareemay.