Baraawe-RisaalaFM- Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu guda galay dhismaha Dakada iyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo muddooyinkii dambe ay socotay qaban qaabada la xiriirta bilowga dhismahan.
Shalay waxaa tagay Magaalada Baraawe ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhuna, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulkaasi.
Xubnahan ayaa qiimeyn iyo indha indheyn waxa ay ku sameeyeen hanaanka dhismaha dakadda Magaalada Baraawe, waxaana durba la arkaayay shalay, iyadoo ay bilaabatay dhismaha Airport-ka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Madoobe Nuunow, ayaa sheegay inay ahmiyad wayn siinayaan sidii loo dhisi lahaa dakadda Magaalada Baraawe, si shacabka Koonfur Galbeed ay u helaan goob ay wax kala soo dagaan.
Wasiirka ayaa tilmaamay xubnaha wafdigan ujeedka Baraawe ay u tageen inay tahay qiimeynta xaaladda dhismaha Garoonka Baraawe iyo Dakadda Magaalada Baraawe.
Koonfur Galbeed ayaanan laheyn Dakad rasmi ah oo ay kala soo dagaan maciishadaha kala duwan, waxayna ku tiirsan yihiin dakadda Magaalada Muqdisho.