Kooxda Taliban ee dalka Afghanistan ayaa gantaallo ku garaacday dhismaha cusub ee baarlamaanka magaalada kabul ayagoo qarxiyey daaqadaha mid ka mid ah dhismaha, Saraakiishu waxay sheegeen inaysan cidna ku dhaawacmin.
Weerarka ayaa dhacay ayadoo madaxa sirdoonka Afghamistan uu isu diyaarinayey inuu kala hadlo golaha baarlamaanka xaaladda amni ee dalka oo sii ka sii daraysa.
wasiirka kumeel gaarka ah ee ee arrimaha gudaha ayaa raalli galin ka bixiyey dhacdadaasi, wuxuuna sheegay inuu soo rogayo talaabooyin cusub oo amniga la xiriira.