Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa lagu guda jiraa wareega Labaad ee Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala Waxaana tartami doona degmooyink Afgooye oo ka socota gobolka Shabeelaha Hoose iyo degmada Dharkeenley oo ka socota gobolka Banaadir.
Waxaana Tartankan ka qeyb galaya 16 Degmo oo Labo kamid ah ay ka socdaan gobolka Shabeelaha Hoose halka 14-ka kalena ay ka socdaan gobolka Banaadir.
Tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ee Idaacadda Risaala ayaa waxaa taaba galineysa Shirkadda Cabitaanada COCA COLA oo dalka keenta cabitaano dhadhankooda uu aad u sareeyo.
Tartamayaasha Degmooyinka Dharkeenley iyo Afgooye oo aan goor dhow qadka telefoonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in taratnka galabta ay diyaar uyihiin si wanaagsan ay usoo diyaar garoobeen.
Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa waxa uu maanta gali doonaa maalinkii 10 aad iyadoo tartanka uu socon doono ilaa iyo gaba gabada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Tartanka ayaa waxa uu bilaaban doonaa Saacada marka ay tahay 04:00 daqiiqo Insha Allah.