DHAGEYSO:Tarsan “Masuuliyadda amaan ee magaalada ma laha maamulka gobolka

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Duqii hore ee magaalada muqdisho oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxaa uu sheegay inaysan sharci ahayn in amaanka muqdisho lagu wareejiyo maamulka gobolka Banaadir.

Tarsan ayaa sidoo kale sheegay in amaanka dalka loo baahnaa in masuuliyadiisa ay qaataan Hay’addaha amaanka dalka, waxaana intaas uu ku daray in gudoomiye degmo, iyo maamul gobol in aan xilligaan lagu wareejin karin amaanka caasimadda.