DHAGEYSO:Dagaal Wali ka socda Tukaraq iyo Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka hadlay

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Somaliland iyo Puntland oo maanta dib uga qarxay degaanka Tukaraq oo colaadiisa ay soo laa laabatay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ayaa warkan xaqiijiyay, wuxuuna sheegay in laba jiho ay Ciidanka Puntland ka soo weerareen kuwa Somaliland.

Wasiirka Warfaafinnta Puntland Qarjab oo goor dhow Warbaahinta kula hadlay Garowe ,waxaa uu sheegay in ciidamada Somaliland ay weerar kusoo qaadeen ciidamada Puntland,islamarkaana ay isdifaaceen.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dagaalka uu wali socda,islamarkaana ay jiraan Khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalkaasi.

Dhinacyada ayaa isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka uu yahay mid culus oo socda wax ka badan saacado, sida ay soo sheegayaan dadka degaanka.

Waxgaradka gobolka Sool ayaa ku guul darreystay iney Labada dhinac xabad joojin ku qanciyaan, sababtoo ah dhan walbo wuxuu sheeganayaa lahaanshiyaha degaanka Tukaraq.

Degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa waxaa gacanta ku haaya ciidamada Somaliland oo goor hore ka qabsaday ciidankii Puntland ee halkaasi ku sugnaa.