Home Wararka DHAGEYSO: Yaa ka qeyb galaya Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ?

DHAGEYSO: Yaa ka qeyb galaya Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ?

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana ku tartamaya ilaa 4 Musharax.

Guux badan ayaa durba soo baxaya oo ku aadan loolanka adag ee loo galayo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashadan ayaa ka duwan Doorashadii horey Soomaaliya uga dhacday 2012-kii, sida ay sheegeen siyaasiyiinta iyo dadka shacabka ah.

Xildhibaan Aadan Isxaaq Cali Xoghayaha Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay Doorashada maanta dhaceysa in ay goobjoogayaal ka ahaan doonaan wadamada Taageera arrimaha Soomaaliya, si ay ula socdaan habka ay u codeynayaan xildhibaanada.

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqore oo dhankiisa la hadlay Risaala ayaa waxa uu sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan si guul ahna ay ku soo dhamaato Doorashada maanta dhaceysa.