Ra’isal Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso hormarinta cayaaraha Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale sheegay ra’isal wasaaraha in ay dhiira gelinayaan cayaaraha Soomaaliya gaar ahaan kubbada cagta, isla markaana ay ka shaqeynayaan wacyi gelinta iyo dhiira gelintooda.
Waxa uu tilmaamay in ay rajeynayaan in ay soo baxaan dhalinyaro waxtar u ah qaranka Soomaaliyeed oo guulo usoo hooyo.
Waxa uu xusay in ay xukuumada ka go’an tahay dhiira gelinta dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan cayaaraha.
Ra’isal Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib kulan uu la qaatay cayaartooyda 11-jirada ee Soomaaliya u matalaayay tartankii ka dhacay Dalka Qadar.