Wasiirka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay is ku soo dhiibeen ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale ciidamada dowladda ay qabteen 63 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in 54 Askari oo ka tirsan Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada dowladda ka dib dhacdadii Bishii October.
Islow ayaa sidoo kale xusay in habeen hore lasoo qabtay nin ku labisnaa dharka dumarka.
Ugu dambeyntii waxa uu ugu baaqay dadka Shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.