DHAGEYSO: Xilidhibaan Goodax” Madexweynaha Soomaaliya waxa uu sameeyey qiyaano qaran”

Muqdisho-RisaalaFM-Cabdullaahi Goodax Barre oo  ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa qiyaano qaran ku tilmaamay go’aankii shalay uu qaatay madexweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Xilidhibaan cabdulaahi Goodax Bare ayaa sheegay in xilidhibaanada dowladda Soomaaliya ay qaadan doonaan go’aan adag,islamarkaana ay shaqada ka ruqseyn doonaan madexweynaha Soomaaliya.

Waxa uu intaas ku sii daray in go’aanka uu qaatay madexweyne Xasan ay tahay mid qaranka wax u dhimeysa xilidhibaanada dowladda Soomaaliya ay ka hadli doonaan.

Madexweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ansixiyey qodobadii shirkii madasha wadatashiga ka qaran ka dib markii baarlamaanka Soomaaliya ay la soo daaheen.