Muqdisho-RisaalaFM- Guddiga Garsoorka, Diinta iyo Arrimaha Awqaafta ee Golaha Shacabka ayaa maanta waxa ay koormeereen Xabsiga dhexe ee Xamar.
Xildhibaanadaan ayaa koormeeray qeybaha kala duwan ee xabsiga, waxa ayna warbixino ka dhageysteen qaar ka mid ah maxaabiista xukuman iyo kuwa xukun sugayaasha ah.
Goobaha ay koormeereen waxaa ka mid ah qeybta Dumarka ay ku xeran yihiin iyo qeybaha waxbarashada, Caafimaadka iyo qeybta cuntada maxaabiista loogu kariyo.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa uga mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka tirsan Guddiga Garsoorka booqashadooda.
Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Diinta iyo Arrimaha Awqaafta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye ayaa sheegay in ay joogteynayaan koormeerka iyo la socoshada xaalada maxaabiista.