Jowhar-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegeen in aysan ansixin doonin hadii la horkeeno Golaha Wasiirada cusub ee uu magacaabay Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Hirshabeelle.
Ilaa iyo 65 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ku heshiiyay in aan la ansixin Golaha Wasiirada cusub ee Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble.
Xubnahan ayaa waxa ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan Liisaska Golaha Wasiirada ee la magacaabay, iyagoo sheegay arrintan in ay u gudbiyeen Madaxweyne Cosoble, hase yeeshee Madaxweynaha uu ka dhego adeegday arrintaasi.
Waxa ay sheegeen maalinta Sabtida ah in ay u yeeri doonaan Madaxweynaha si ay su’aalo uga weyiiyaan qorshaha magacaabista Golaha Wasiirada cusub ee Maamulka Hirshabeelle.
Shalay Magaalada Jowhar ee xarunta Goboka Shabeelaha Dhexe waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo Golaha Wasiirada ee uu soo magacaabay Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble.