Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.
Hab dhowraha Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in kulanka Baarlamaanka ee maanta uu hor-yaallo ajandayaal dhowr ah.
Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in warbixin laga dhageysan doono Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmahan ku mashquulsanaa kulamo ay ku yeelanayeen Gudaha dalka iyo Dibadiisa.
Kulanka ay maanta yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqonaya kii ugu horeeyay kadib fasax dheer oo ay galeen Bilowgii Bishii Ramadan markaas oo fasax la siiyay.