DHAGEYSO: Xildhibaan Xidig “Qurba joog ayaa gacanta loo geliyay Dastuurka”

Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in inta badan ay dayacaad la kulmaan xubnaha xildhibaanada marka uu dhamaado muddo xileedkooda.

Wuxuu sidoo kale in Madaxda kale ee Dowladda sida Madaxweynaha uu si rasmi ah ugu biirayo xildhibaanada Golaha Shacabka, halka Ra’iisul Wasaarayaasha dalka soo maray dib u dejin dalka dibaddiisa loogu sameeyo.

Wuxuu sheegay muhiim in ay tahay in xildhibaanada waqtigooda uu dhammaaday looga faa’ideysto howlaha kale ee dalka sida Guddiyada Madaxa banaan, isaga oo sheegay in hada Guddiga loo saaray dib u eegista Dastuurka ee madaxa banaan badankood ay yihiin dad qurba joog ah oo aan waxba kala socon Dastuurkii ka horeeyay.

Wuxuu sheegay Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya in xildhibaanadii ka mudnaa arrintan ay hada ku dayacan yihiin magaalada Muqdisho.