Jowhar-RisaalaFM- Qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay ka soo horjeesteen magacaabistii Golaha Wasiirada maamulka Hirshabeelle ee shalay uu sameeyay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen magacaabistii uu sameeyay Madaxweynaha in ay aheyd mid mala awaal ah, maadaama ay ku eedeeyeen inuusan sameyn wadatashi, keliyana uu ku dhaqaaqay go’aan maskaxdiisa ah.
Xildhibaan Cali Ciiley oo u waramay Idaacadda Risaala ayaa wuxuu sheegay in Madaxweynaha ay horey ugu heshiiyeen inuu koobi doono Golaha Wasiirada, kuna soo xuli doono qaab cadaalad ah, balse dhammaan uu jebiyay qodobadii lagu heshiiyay, Hirshabeellana hada aysan xamili karin Wasiiiro tiro badan.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay Gole Wasiir oo ka kooban 57 xubnood, iyadoo aanay ku jirin Wasaaradda Haweenka oo aanay wali cidna loo magacaabin.